Sida laga soo xigtay Jeneraalo Mareykan ah iyo ilo Sirdoon oo kusugan Barriga Dhexe, Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa dilay 70 Askar iyo Calooshod u shaqeystayaal iskugu jira oo kumaandoos ahaa, kana tirsanaa USA iyo Israaiil, oo la doonayay in ay howlgal qorsheysan ka fuliyaan gudaha Yemen.

Col. Douglas MacGregor oo ah Sarkaal howlgab oo ka Torsanaa ciidamada Mareykan, ayaa sheegay in ay Xuutiyiinta ay dhammaan laayeen, askartaas oo qorshe culus ka fulin lahaa gudaha Yemen, iyagoo xeebaha Yemen kagalay aag banaan, laakiin uu basaasay dayax Gacmeed ay dawladda Ruushka leedahay, ka dibna Iiraan ay xogta u gudbisay Xuutiyiinta Yemen.