
Suuqa guryaha ee waddanka Maraykanka ayaa waxa uu ku jiraa xaalad aad u adag tan iyo intii Maraykanka dhaqaalihiisa uu hoos u dhacay sanadihii 1930 meeyadii.
Arintan ayaa ka bilaabmatay markii bangiyada iyo shirkadaha daynta bixiya ay daymo siiyeen dad aan iska bixin karin daynta markii ay ribada ama dulsaarku kor u kacay taas ayaa keentay in guryo badan suuqa ku soo noqdaan oo qiimihii hoos u dhacaan.
Todobaadkan Madaxweyne Bush ayaa la sugayaa inuu saxiixo sharci ay dowlada ku caawinayso dadka guryaha daynta ku qaatay si aysan guryahoodii u waayinoo uusan bangiga ula wareegin markay daynta bixin waayaan.sharcigaan ayaa waxaa ka mid ah in dadka daymaha haysto la siiyo dayn aan dulsaarkeeda ama ribadeeda badnayn.
Laakiin wariyaha BBC-da Michael Robinson ayaa wuxuu ka waramayaa sharciga Maraykanka ee aan aad loo ogayn oo qof isagoon dhibaato dhaqaale haysan uu gurigiisa iskaga dhaqaaqi karo , si uu abngiga ula wareego guriga , sababtoo ah gurigii uu qofka shanta boqol oo kun ku gatay ayaa hada jooga kala bar,arintan ayaa keenaysa in suuqii ay guryaha ku sii bataan oo ay sii raqisaan. Michael Robinson ayaa ka hadalaya.